Weerar Bambaano oo caawa ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Ciidamo katirsan dowlada Soomaaliya oo ku sugnaa meel ku dhaw daarta Seybiyaano ee degmada Hodan ayaa caawa lagu weeraray bambaanooyin nuuca gacanta laga tuuro ah.

Goob joogayaal ayaa ku waramay in ciidamada dowlada ay fureen rasaas xoogan markii bambaanada lagu weeraray, waxaana goobta bambada lagu tuuray aheyd meel mashquul badan.

Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa ku dhintay rasaas ay fureen ciidanka dowlada ee bambaanada lagu weeraray, lamana sheegin wax khasaaro ah oo soo gaaray ciidamada la weeraray.

Weerada loo adeegsado bambaanooyinka gacanta laga tuuro ayaa kusoo badanaya Muqdisho, waxaana habeen kahor weerar bambaano oo lagu qaaday Guru uu degan yahay Sargaal katirsanaa NISA ku geeriyiooday labo qof oo shacab ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -