Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlada Somalia oo faahfaahisay go’aano ka soo baxay Shir Madaxeedkii AU

Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhoweysay go’aankii ka soo baxay Midowga Afrika, kaasoo ay ku taageerayaan shacabka iyo dowladda Soomaaliya, dadaalada loogu jiro in deymaha looga cafiyo dalka, taasoo muhiimad gaar ah u leh nabadda iyo horumarka Soomaaliya, maadaama ay hortaagan tahay arrintaasi taageeradii hay’adaha caalamiga ee dhaqaalaha adduunka.

“Dowladda Soomaaliya waxaa ku howlan tahay oo ay ka shaqeynaysaa dadaalada horumarinta iyo dib u habeynta hanaanka maamul maaliyadeed ee dalka, si loogu guuleysto qorshaha deyn cafiska ee Soomaaliya, si loo helo horumar waara, go’aanka Midowga Afrika waxaa uu iftiiminayaa xiriirka iskaashi iyo taageerada ka dhexeysa Afrika.

Qoraalkan oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay xushmeynayso in Midowga Afrika uu muhiimad siiyo doorka Soomaaliya ee Midowga iyo wax wada qabsiga iyo taageerada ay Soomaaliya u muuiyeen ka xubin ahaan.

“Intaasi waxaa sii dheer dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ay taageersan tahay qaraarka ka soo baxay shirka Midowga afrika ee sanadka, kaasoo muhiimad gaar ah ugu fadhiya guud ahaan ururka iyo gaar ahaan Soomaaliya, kuwaasoo ka mid ahaa xaaladaha kala duwan sida Nabadda Amniga iyo arrimaha bani’aadanimo, iyo dhamaan dadaalada ku aadan aragtida ku dhisan dhaqangelinta qorshayaasha horumarnineed ee qaaradda”. ayaa lagu yiri warka ay soo saartay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidanka gaarka ah ee NISA oo howlgal uu dhiig ku daatay xalay ka fuliyey Sh/hoose

Caydiid Ali

Shir Xasaasi ah oo looga arinsanayo Khilaaf taagan oo hada ka socda Xafiiska Rooble

Cabdi Cade

Maxkamad xukun jilicsan ku riday Rag garaacis ku dilay nin Muslim ah (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---