Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasiiro ka tirsanaa Xukuumadii hore ee Somaliland oo Muqdisho soo gaaray (Magacyada)

Afar xubnood oo ka tirsanaa Xukuumaddii Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ee Maamulka Somaliland iyo dad la socda ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Wasiirradan hore ayaa ay shalay soo gaaray Magaalada Muqdisho inkastoo aan la sheegin ujeedada safarkooda.

Xubnaha tirsanaa xukuumadii hore ee Somaliland ee soo gaaray Magaalada Muqdisho waxaa ka mid ah, Xasan Daahir Dhimbil oo horay u ahaa wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka, Khadar Axmed Diiriye oo ahaa Wasiiru dowlihii hore ee Wasaaradda Caddaaladda,  Axmed Keyse Guray oo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland soo noqday iyo xubin afaraad oo aysan inoo suuragelin inaan helno magaciisa iyo xilka uu hayn jiray.

Lama oga in xubnahan markii ay imanayeen iney toos uga soo duuleen degaanada Somaliland iyo iney ka soo wareegeen dalalka deriska la ah Somalia.

Safarkooda ayaa ku soo aadaya xili Magaalada Muqdisho todobaadyadii la soo dhaafay laga hadal hayay isku shaandheyn lagu sameynayo Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Mengistu Hailemariam iyo Desalegn oo kulmay iyo Muran ka dhashay

Caydiid Ali

Shil diyaaradeed oo ka dhacay Toronto iyo khasaaro ka dhashay

Cabdi Cade

Sidee Somalia iyo Kenya u kala heleen Xirmooyinka qaniga ku ah shidaalka?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---