Daawo Sawirada : Miinooyin Al Shabaab ku aaseen Wadooyin oo lasoo saaray

Ciidanka Milatariga Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland ayaa howlgalo ay sameeyeen deegaano kuyaala gobolka Jubadda Hoose waxa ay kusoo saareen miinooyin badan oo lagu aasay hareeraha wadooyinka.

Ciidanka huwanta ah ayaa la sheegay intii ay howlgalka ku jireen in ay la wareegeen deegaanka Kobon oo horey Al Shabaab u maamulayeen, waxa ayna ciidanka deegaankaasi ka sameeyeen baaritaano.

Taliyaha qeybta 43aad ee ciidanka xooga dalka General Cali Maxamed Maxamuud (Bogmadow) ayaa sheegay in howlgalka lagu dilay dagaalyahanop katirsan Al Shababa sidoo kale hub kusoo furteen.

Ciidamada huwanta ah ayaa intii ay howlgalka ku jireen waxa ay soo saareen miinooyin gaaraa 20 oo lagu aasay hareeraha wadooyinka, waxaana miinooyinkaasi loogu tala galay in lagu waxyeeloo ciidanka howlgalka waday.

Maamulka Jubbaland ayaa marar badan ku dhawaaqay in la bilaabayo howlgal ka dhan ah Al Shabaab oo lagu xureenayo deegaanada ay ka joogaan jubooyinka, gaar ahana gobolka Jubada Dhaxe oo Al Shabaab guud ahaan maamulaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -