Ciidanka Dowlada oo dhoor bilood wax Mushaar ah qaadan iyo cabasho laga muujiyay

Ciidanka kala duwan ee dowlada federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in dhoorkii bilood ee lasoo dhaafay aysan qaadan wax mushaar ah ,waxaana mushaar la’aanta cabasho ka muujiyay qaar kamid ah ciidamada.

Sida aan Wararka ku heleyno qaar badan oo kamid ah ciidanka Milatariga, booliiska, Nabad sugida iyo Asluubta ayaan qaadan wax mushaar ah mudo sadex bilood ah, halka ciidamada qaarna ay mushaar qaadan bilooyin intaas ka badan.

Wasaarada Maaliyadda Xukuumada Soomaaliya ayaana la sheegay in ciidamada aysan siin mushaarkii ay xaqa u lahaayeen, walina lama oga sababta aan mudo dhowr bil ah wax mushaar ah loo siin ciidanka nafooda u hura difaacda madaxda iyo dalka.

Ciidamada jiidaha hore ee dagaalka ku jira qaarkood iyo kuwa madaxda waardiyeeya ayaa ka cabanaya mushaar la’aan, waxa ayna ciidanka sheegeen in dhoor bilood qaadan wax mushaar ah ayna telfoonada ka dansadeen qoysaskooda maadaama aysan waxba u heyn.

Waxaa xusid mudan in ciidanka dowlada Mushaarka ay sidan ugu dhiban yihiin aysan bishii ka badneyn boqol dollar, waxaana ciidanka intooda badan yihiin kuwa xaasas leh sidoo kale isticmaala balwad.

Dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayaa marar badan ku faanta in ay bixiso bil walbo mushaarka shaqaalaha dowlada iyo ciidamada , hasa ahaatee waxa ay tani muujineysaaa in aysan dowlada wax muhiimad siin ciidanka dowlada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -