Caro xoogan oo ka dhalatay booliis Mas ku cabsi galiyay nin Eedeysane ah (Sawirro)

Caro xoogan ayaa ka dhalatay muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada oo muujinayay ciidamo katirsan booliiska dalka Indonesia oo nin eedeesane ah qoorta ka saaray kuna cabsi galinayay mas weyn.

Booliiska ayaa soo qabtay nin lagu eedeenayay in uu xaday telfoon, waxaana booliiska si ninkaasi dambiga loo heesto u qirto ku cabsi galiyeen qoortana u saareen Mas weyn oo cabsi badan ku abuuray eedeesanaha.

Muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada ayaa laga arkayay booliiska oo ninkan labada gacan ka xiran ku cabsi galinaya mas weyn, ninkan eedeesanaha ayaana cabsi darteed si aad ah u qeylinayay.

Saraakiisha booliiska dalka Indonesia ayaa raali galin ka bixiyay talaabadan dadka badan ka careesiisay, waxaana saraakiisha sheegeen in maska uu ahaa mid tababaran oon wax dhibaato ah geesaneyn.

Tonny Ananda Swadaya oo katirsan saraakiisha booliiska dalka Indonesia ayaa sheegay in raali galin ka bixinayaan ficilkan xun, waxa uuna sheegay in talaabo laga qaaday askartii ka dambeeyay falkaasi.

Qareen ka tirsan hay’ad u dooda xuquuqul insaanka dalkaasi ayaa sheegtay in booliska dalka Indonesia dhawaan guri ay ka buuxaan Masas ay ku xireen dad lagu tuhunsan yahay inay taageersan yihiin gooni isu taagga gobolka Papua.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -