Allbanaadir.com
NEWS

Diyaarad ay leeyihiin milateriga Turkiga oo lasoo riday iyo Erdogan oo Hanjabay

Diyaarad nuuca Qumaatiga u kaca ay leeyihiin Milatariga dalka Turkiga ayaa lagu soo riday gobolka Afrin ee dalka Siiriya, waxaana diyaaradan gantaal la helay xoogag katirsan Jabhada Kurdiyiinta.

Labo ruux oo saarnaa diyaarada lasoo riday ayaa la sheegay in ay dhinteen, walina kalama cada in diyaaradan nuuca Qumaatiga u kaca ee lasoo diray ay waday duqeyn ama ay aheyd nuuca xamuulka qaada.

Madaxweynaha dalka Turkiga, Rajab Tayyip Erdogan oo ka hadlay diyaaradan milatari ee ciidankooda looga soo riday gobolka Afrin ayaa ku hanjabay in si daran loo ciqaabi doono kuwii soo riday diyaaradaasi.

Milatariga Turkiga ayaa howlgal isugu jira dhulka iyo cirka kawada gobolka Afrim ee dalka Siiriya, waxa ayna halkaasi kula dagaalamayaan dagaalyahno katirsan kooxda Kurdiyiinta ee dowlada Turkiga u aqoonsan tahay argagaxiso.

Ciidamo katirsan Milatariga Turkiga ayaa lagu dilay dagaalo toos ah iyo qaraxyo tan iyo markii ay howlgal milatari ka bilaabeen gobolka Afrin, waxa ayna Dowlada Turkiga dooneysaa in halkaasi ka sifeyso maleeshiyaad kurdiyiinta katirsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

UK oo Shaaciyay sida ay ka yeelayaan Natenyahu haddii uu dalkooda yimaado

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo la sheegay in Itoobiya iyo Eritrea uu dalka ku qabsanayo !!

Cabdi Cade

Netanyahu oo u digay Xamaas ka dib dilkii Yahya Sinwar

Caydiid Ali
Taboola Ads ---