Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Daawo Sawirada: Ra’iisul Wasaare Khayre Oo maanta tagay Xarunta Bangiga Dhexe Ee Dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Xasan Cali Khayre, oo maanta kormeer ku tegay Bangiga dhexe ee dalka ayaa maamulka bangiga kala hadlay dardar-gelinta halbeegyada ugu jira tubta horumarinta dhaqaalaha.

Bankiga dhexe oo qayb ka ah hay’adaha halbeegyada ku leh tubta horumarinta dhaqaalaha ayaa mas’uul ka ah samaynta iyo maaraynta lacagta dalka, ka shaqaysiinta hannaanka xisaabeed ee dalka, abuuridda hannaanka bixinta lacagta oo midaysan iyo Isku dubba rididda qorshaha dib-u-soo celina hantida qaranka

Kormeerka uu Ra’iisul Wasaaruhu uu ku tegay xarunta bangiga dhexe ayaa qayb ka ah hawlaha lagula soconayo hanaanka hir-gelinta qorshayaasha hor-tebinta leh ee wasaaraha xukuumadda iyo hay’adaha kale ee dawladda ay ku leeyihiin tubaha qaranka si sare loogu qaado isla xisaabtanka, hufnaanta iyo daah-furnaanta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Xamse oo xilal u Magacaabay masuuliyiin cusub (Magacyada)

Caydiid Ali

Ciidamo badan oo loo diiday in ay soo galaan Gudaha Muqdisho & Cabsi wayn oo ka taagan Magaalada !!

admin

Gaadiid Dagaal iyo Maxaabiis saakay lagu kala qabsaday Dagaalkii Laascaanood

Cabdi Cade
Taboola Ads ---