Dib u dhis laga bilaabay qeybo ka mid ah garoonka Aadan cadde (Daawo Sawirro)

Waa Sharciga garoomada Caalamka in halka ay diyaaradaha ay kusoo degaan  ay leeyihiin labada dhinac 150 mitir oo dhul banaan ah, si looga hortago qataraha soo wajaha diyaaradaha.

Garoonka Diyaaradaha Aadan Cade ayaa waxa sameyn ku yeeshay dagaaladii sokeeye ee Dalka ka dhacay, kuwaas  oo sababay in muddo badan uusan helin wax dayactir ah hase yeeshe waxaa maanta qandaraaskaasi la siiyay Shirkada favori oo haatan gacanta ku heysa maamulkiisa.

Injeerada Dhisayo Garoonka ayaa waxa ay sheegeen in waxbadan uu ka bedelayo dhulkaan lagu darayo Shaqada garoonka ,waana habka garoomada Caalamka ay ku Shaqeeyaan.

Wasiirka wasaaradda Gadiidka iyo Duulista XFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomar oo dhagax dhigay  ayaa waxa uu uga maha dceliyay Shirkada laga leeyahay dalka Turkiga sida ay ugu heelantahay Hormarinta garoonka oo ka mid ah kaabayaasha dhaqaalaha Dalka.

“waxaan uga mahadcelinayaa shirkaan favori, waxaana ku hishiinay in ay inoo sameyso dhismahaan, maadama biyaha bada ay saameyn ku yeesheen halka diyaarada ay kusoo degeto, ka dib dhismahaan darbiga iyo dayactirkaba waxa uu qeyb weyn ka qaadan doonaa hormarinta garoonka “

Shirkadaan ayaa qandaraaska ay kula jirto Soomaaliya waxaa uga dhiman 10 sano, waxaana maamulka loogu daray in horumarin ku sameyso garoonka, si loo balaariyo Shaqada garoonka Aadan cade ee Magaaladda Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -