Madaxweyne Trump oo shaaciyay in uu ka war hayo Xaalada uu ku sugan yahay Kim Jon Un

Warbaahinta caalamka ayaa saacadihii lasoo dhaafay warar kala duwan ka qorayay xaalada uu ku sugan yahay Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un, waxaana warbaahinta qaar qoreen in Kim geeriyooday halka kuwa kalana sheegayaan in xaalad adag ku jiro.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu ka war hayo xaaladda uu xiligan ku sugan yahay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un.

Donald Trump ayaa Warbaahinta u sheegin faah faahin badan oo ku aadan xaalada  Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi , waxa uuna tilmaamay in uu ku rajo weyn yahay in xaalada hogaamiyahaasi wanaagsan tahay xiligan.

Hogaamiyaha kuuriyada Waqooyi ayaa la sheegay in uu galay qaliin wadnaha looga sameeyay, waxaana warka xaaladiisa Warbaahinta qabsaday markii uu kasoo muuqan waayay xuska awoowihiis oo sanad walbo la qabto bishan oo kale.

Warbaahinta qaar ayaana baahiyay in Kim Jong Un u geeriyooday xanuunkii hayay halka kuwa kalana baahiyeen in wali xaalad adag uu ku jiro ayna adag tahay in laga helo xogo aad u faah faahsan.

W/Q Hassan Cabdulle Noolow

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -