Guddoomiyaha Aqalka Sare & wafdi uu horkacayo oo ku wajahan Magaalada Seoul (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdulahi iyo Wafti ballaaran oo uu hoggaaminayo, kuwaasoo ka kooban xubnaha labada Gole iyo wasiiro ayaa maanta u ambabaxay magaalada Seoul ee  caasimada Kuuriyada Koonfureed.

Wafdiga uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha aqalka sare ayaa magaaladda Seoul  uga qeyb geli doona Kulan caalami ah oo looga hadlayo arrimaha nabada aduunka.

Kulankaasi looga hadlayo arrimaha Nabada Caalamka ayaa socon doona inta u dhaxeyso 7-11 Bishaan, waxaana berri ah uu ka furmi doonaa caasimada Jamhuuriyadda Kuuriyada Koofureed.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdulahi ayaa la filayaa in uu ka jeediyo shirkaas khudbad uu kaga hadlayo xaalada dalka ee dhinaca amaanka iyo dedaalka ay dowladu ugu jirto la dagaalanka kooxaha Daacish iyo Al-shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -