Allbanaadir.com
NEWS

Duqa magaalada Muqdisho oo la kulmay Nicolás Berlanga (Daawo Sawirro)

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta la kulmay safiirka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya Amb. Nicolás Berlanga Martinez.
Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaana kulan gaar ah la qaatay safiirka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya Amb. Nicolás Berlanga Martinez, waxa ayna kawada hadleen arimo badan oo muhiim ah.
 
Labadan Masuul ayaana waxyaabihii ay kawada hadleen waxaa kamid ahaa xoojinta sidii loo dhaqaajin lahaa taageerida mashaariicda kala duwan ee ka socda Caasimadda, gaar ahaan dhaqaalaha, dib-udhiska iyo horumarinta nolasha dadka Barakacyaasha ah.
Midowga Yurub ayaa taageero badan oo dhinaca dhaqaalaha ku bixiya mashaariic kala duwan oo laga fuliyo magaalada Muqdisho, waxaana jira mashaariic dhoor ah oo horey Midowga Yurub u balan qaaday oo la sugayo fulintooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliska booliiska Somalia oo shaaciyay Sababta loo xiray Wasiirkii Amniga Jubbaland

Cabdi Cade

Musharaxiinta oo Jawaab adag ka bixiyay Go’aankii Dowlada iyo cabsi badan oo jirta

Cabdi Cade

Guddiga KMG ee Tacliinta sare ee dalka oo la magacaabay (Akhriso Magacyada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---