Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Ninkii dilay Maamulihii DP World dekadda Bosaaso oo geeriyooday (Daawo Sawirro)

Isbitaalka guud ee magaaladda Boosaaso ayaa waxaa caawa ku geeriyooday ninkii fuliyey dilkii saaka loo geystay maamulihii dekadda Bosaaso ee shirkadda P&O ee hoos tagta DP World oo lagu magacaabi jirey Paul Faramosa.

Ninkan oo magaciisa ku sheegay Cabdullaahi Ibraahim Maxamed ayaa geeriyoodey ka dib markii lagu sameeyey qaliimo lagaga saarayey xabado illaa sadex meelood kaga dhacay sida ay sheegeen saraakiil ku sugan magaalada Boosaaso.

Baraha bulshada ayaa waxaa la soo geliyey ka hor inta uusan geeriyoon muuqaal laga duubay Ninkan oo isagoo dhaawac ah ay wareysanayaan ciidamada amniga Puntland waxaana uu sheegay inuu ka soo jeedo ama ka yimid magaaladda Baydhabo ee xarunta gobalka Bay.

Geerida ninkii ka dambeeyay dilka agaasimaha shirkadda P&O ee hoos tagta DP World ayaa meesha ka saartay raadraac lagu sameyn lahaa shaqsiyaadkii kale soo abaabulay weerarka oo Al-shabaab ay sheegatay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Qoor Qoor oo kulan arrimo muhiim ah looga hadlay la qaatay Golihiisa Wasiiradda (Sawirro)

Cabdi Cade

Daawo Sawirada: Kulan Muhiim ah oo ka dhacay Aqalka Dawladda Hoose ee Xamar 

Cabdi Cade

Cali Gacal Casir oo Bogaadiyay talaabadii uu maanta qaaday Ra’isul Wasaare Rooble

Cabdi Cade
Taboola Ads ---