Ciraaq oo jawaab caro leh ka bixisay hadal ka soo yeeray Madaxweyne Trump

Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu qorsheynayo in Saldhig Milatari ay ka furtaan gudaha dalka Ciraaq kaasoo ay kala soconayaan xaalada Iran.

Wareysi gaar ah oo uu Madaxwaynaha Mareykanka siiyay Tv-ga CBS ayuu ku sheegay in saldhigan uu muhiim u yahay la socodka dhaqdhaqaaqa Jamhuuriyada Islaamiga ee Iran.

Mar la weydiiyay madaxwayne Trump inay suurtagal tahay in weeraro dhanka cirka ah ay ku qaadi doonaan Iran ayuu ku jawaabay maya kali ah waxaan doonayno ayaa ah indha indheyn.

Dhanka kale, Madaxwaynaha dalka Ciraaq Barham Salih ayaa sheegay in Madaxwaynaha Mareykanka uusan waydiisan wax ogolaansho ah oo ku aadan saldhiga uu doonayo inuu ka furto gudaha dalka Ciraaq.

Ku-xigeenka gudoomiyaha Baarlamanka dalka Ciraaq ayaa ku tilmaamay hadalka kasoo yeeray madaxwaynaha mareykanka inuu yahay mid dhaawacaya madax banaanida dalka Ciraaq.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -