Dab xoogan oo la qabad siiyay Xaruntii la dhigay Sanaadiikhda Doorashada Ciraaq (Daawo Sawirada)

Xiisad siyaasadeed ayaa ka bilaabatay dalka Ciraaq kadib markii dab xoogan kooxo aan wali la aqoonsan ay qabad siiyeen xaruntii lagu keediyay Sanaadiikhda Doorashadii dhawaan dalkaasi ka dhacday.

Dab xoogan ayaa qabsaday xarunta ay yaaleen Sanaadiikhda doorashada oo kutaala degmada al-Rusafa ee caasimada Baqdaad , waxaana inta badan bas belay waraaqihii ay ku codeeyeen dadka Ciraaq eek u jiray Sanaadiikhdaasi.

Baarlamaanka dalka Ciraaq ayaa dhawaan amray in dib loogu noqdo tirinta codadka doorashadii dhacday, kadib markii qaar kamid ah Xisbiyada doorashada ka qeyb galay cabasho soo gudbiyeen.

Ra’isul Wasaaraha dalka Ciraaq Haydar Al Cabadi ayaa si kulul u cambaareeyay dabkan la qabadsiiyay xaruntii sanaadiikhda doorashada ku keydsaneyn, waxa uuna balan qaaday in gacan bir ah lagu qaban doono kooxaha amni darada iyo khalalaasaha ka shaqeenaya.

Doorashada Baarlamaanka dalka Ciraaq ee dhawaan la qabtay waxaa ku guuleestay Isbaheysiga uu hogaamiyo wadaadka shiicada ah ee Muqatada Al Sadr, waxaana sida ay doorashada u dhacday cabasho ka keenay xisbiyadii laga guuleestay qaarkood.

Gubashada xarunta Keyda Sanaadiikhda ayaa imaaneysa xili Isbuucii hore Baarlamaanka Ciraaq  ansixiyey in dib loogu noqdo tirinta cododka taasi oo dib u dhac ku keenaysa dhismaha dowlada cusub, waxaa sidoo kale xilkii laga qaaday Guddigii doorashada.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -