Ciidamada amaanka oo Muqdisho ku qab qabtay Mootooyin badan iyo Masuul ka hadlay

Magalaada Muqdisho maalmihii lasoo dhaafay waxaa ka socday howlgalo lagu qab qabanayay mootooyinka labada lug ku socda ee loo yaqaan Fekon, kuwaa oo la sheegay in loo adeegsan jiray falal amaan daro.

Ciidamada booliiska ayaa gacanta ku dhigay inta howlgalka socday boqolaal Mooto ay wateen dhalinyaro, waxaana mootooyinkan la sheegay qaarkood in lagu geesan jiray falal amana daro sida dilal iyo dhac.

Gudoomiye Ku xigeenka dhanka ammaanka & Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Mohamed Abdulaahi Tuulax ayaa sheegay howlgalka lagu qab qabtay mootooyinka badan in ay qeyb ka tahay xaqiijinta amaanka Muqdisho.

Waxa uu sheegay Tuulax in mootooyinkan ay mararka qaar adeegsadaan shaqsiyaad ku geesta falal amaam daro, waxa uuna xusay in baaritaano lagu sameenayo mootooyinkan iyo dadka leh .

Gudoomiye Tuulax ayaa sheegay in saldhigyada booliiska Muqdisho lasoo gaarsiin jiray maalin iyo habeen kasta falal amaan daro oo lagu geestay mootooyinkan, balse markii hada howlgalku bilowday aysan jirin kiisas lasoo gudbiyay.

Saldhigayada booliiska magaalada Muqdsho ayaa la dhigay mootooyin badan ay ciidamada amaanka soo qabteen, waxaana inta badan mootooyinkan adeegsan jiray dhalinyaro qaarkood ku shaqo tagi jiray halka kuwa kalana dambiyo ku geesan jireen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -