Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Fardowsa Osman Egal ayaa maanta magacowday gudiga dib u hawlgalinta diyaaradii Soomaali Airlines.
Qoraal kasoo baxay wasiirka gaadiidka iyo duulista hawadda ayaa lagu magacowday guddi loogu tala galay in ay kasoo talo bixiyaan dib u hawlgalinta diyaaradii Soomaali Airlines, oo muddo ka badan 30-sanno ana shaqeyn.
Dib u hawlgalinta Soomaali Airlines ayaa Soomaaliya uga dhigan guul wayn,iyadoona 30 sano ee u dambaysay ay hawlgab ahayd diyaaradu taas oo meesha ay ka saareen dagaaladii Sokeeye ee dalka ka Qarxay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com