Madaxweynaha Mareykanka Dnald Trump, wuxuu xalay sheegay in xabbad-joojin laga gaaro dagaalka Qasa ay suurtagal tahay toddobaad gudihiis. Si kastaba ha ahaatee, ma jiraan wax wada-hadallo rasmi ah oo socda, taasoo muujineysa in hadalku ku imaan dadaal nabadeed oo dhab ah, balse ay tahay go’aan siyaasad oo ku wajahan cadaadis uu Trump ku kordhinayo Netanyahu , oo dhawaan booqanaya Aqalka Cad.
Xaaladda Qasa waxay u muuqataa mid uu Netanyahu ka dhigtay kaar siyaasadeed, isagoo ku ilaashanaya kursigiisa , xilli uu cadaadis badan kala kulmayo gudaha. Maxkamadda Israa’iil ayaa ka diiday in dib loo dhigo dacwadda musuqmaasuq ee loo heysto , kaddib codsi uu u gudbiyay Netanyahu, taasoo halis gelin karta mustaqbalkiisa siyaasadee.
Madaxweyne Trump wuxuu qorsheynayaa in markuu Netanyahu soo gaaro Aqalka Cad, uu ku cadaadiyo heshiis nabadeed , isagoo ka dhigayaa isku beddel: nabad Qasa, aqoonsi cusub iyo xiriir diblomaasiyadeed oo ay Israa’l la yeelanayso dalal Carbeed oo Suuriya ugu horreyso.
Laakiin Trump kuma ekaan doono bariga dhexe. Isagoo eegaya jihada kale, wuxuu u jeesanayaa Badda Koonfureed ee Aasiya, halkaas oo uu isku diyaarinayo cadaadis millatari iyo istiraatiiji ah oo ka dhan ah Shiinaha. Tani waxay qeyb ka tahay qorshihiisa weyn ee ah in la xakameeyo is-ballaarinta Shiinaha, islamarkaana Mareykanka dib loogu muquuniyo inuu sii heysto boosta hoggaaminta caalamka.
Trump wuxuu ku socdaa xeelad laba waji ah – qaboojinta xaaladda Bariga Dhexe si kumeelgaar ah, iyo diyaar-garow dagaal istiraatiiji ah oo ka dhan ah Shiinaha. Waxaa suuragal ah in kahor dhammaadka sannadkan la arko tijaabooyin siyaasadeed iyo millatari oo Mareykanku ku cabbirayo sida uu Shiinaha uga hortagi karo.
Waxaa laga yaabaa in dagaalka ka sannadka ka badan ka socda magaalada Qasa noqdo xalka uu Madaxweyne Trump u adeegsanayo in uu Netanyahu badbaadiyo, una sii gudbo dagaal qaboow oo cusub — oo ka bilaabma Aasiya.
W/T Iman Jamac
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com