Xildhibaanada Hirshabelle oo la yimid Qorshe ay ku heli karaan Mushaarkooda ka maqan!!

Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Hirshabelle ayaa mudo bilooyin ah helin wax mushaar ah, waxaana Xildhibaanadan ku adkaatay nolol maalmeedka caadiga ah maadaama aysan heli lacagtii mushaarka ee xaqa u lahaayeen.

Sida aan wararka ku helnay Xildhibaanada Hirshabelle ayaa marar badan markii ay waayeen mushaarkooda waxa ay abuureen xasarad siyaasadeed sida mooshin si loola hadlo kuna helaan mushaarkooda.

Magaaada Jowhar waxaa hada ka taagan xiisad siyaasadeed ay abuureen Xildhibaanada maamulka Hirshabelle oo ka careesan in mudo bilooyin ah aysan qaadan wax mushaar ah ayna xaaladu ku adag tahay.

Qaar kamid ah Xildhibaanada maamulka Hirshabelle ayaa ku eedeeyay Madaxda maamulka Hirshabelle in ay sameeyeen musuq maasuq ayna sifooyin qaldan u isticnaaleen lacagaha maamulka kasoo gala dowlada Federaalka iyo meelo kale.

Xildhibaano katitrsan Hirshabeelle ayaa codsaday in Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxamede Cabdi Waare isbuuc gudihiisa ku hor yimaado Baarlamaanka si wax looga weediiyo Musuq maasuqa uu ku lug leeyahay Madaxweynaha,

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Madaxweyne Waare oo shalay Jowhar ku laabtay in durba bilaabay xalinta xiisada siyaasadeed ee soo korortay, waxa uuna Xildhibaano uu la kulmay u  balan qaaday in la siinayo mushaarkooda ka maqan.

Xildhibaanada maamulada dalka ka jira ayaa inta badan si joogta ah u helin mushaarkooda, waxaana Xildhibaaada qaar aysan awood u laheyn in mooshin keenaan ama eedeyn u jeediyaan Madaxdooda halka kuwa Hirsabelle mar kasta ay u baahdan dhaqaale xiisad abuuraan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -