Muqdisho: Maxaa isku soo beegay afar Jimce oo isxigta iyo afar gubasho..?!!

Magaalada Muqdisho kuma cusba gubashada Suuqyada waaweyn iyo kuwa yar yar, waxaana tan iyo markii ay burburtay dowladii milateriga oo 28 sano laga joogo  gubtay suuqyo badan oo hanti xoog leh lagu waayey, dad baddana oo xoolo lahaana ay ku ceyrtoobeen, waana wax iska caadi ah markii muddo la joogaba inaad maqasho ama goob joog ka noqoto suuq uu dab qabsaday sabab kastaba ha ku yimaadee.

Balse afartii gubasho ee ugu dambeysay ayaa ahaa kuwo aad loola yaabo oo dhacay afar Jimce oo is xigtay, waxayna kala ahaayeen sidan soo socoto:

1-Habeen uu Jimce soo galayey oo taariikhdu aheyd 10-ka bishii hore ee Janaayo waxaa uu dab xoogan qabsaday qeybo ka mid ah suuqa Bakaaraha kaasoo la sheegay inuu ka bilowday qeybta dharka huudheyda, isagoo ku fiday qeybo kale oo suuqa ka mid ah inkastoo saacado kooban ka dib lagu guuleystay demintiisa.

2-Galabnimadii Khamiistii todobaadkii xigay oo taariikhdu aheyd 18ka bishii Janaayo waxa dab aad u xoogan uu qabsaday goobo ganacsi oo ku yaalla inta u dhexeysa labada isgoys ee Zoope iyo Banaadir, iyadoo isla habeenkaas oo Jimce uu soo galayeyna gelinkii dambe uu dab- ka kacay suuqa degmada Afgooye kaasoo baabi’iyey dukaamo fara badan.

3-Dab weyn ayaa sidoo kale qabsaday Suuqa degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho saqdii dhexe ee Jimchii xigay ee todobaadkii hore oo taariikhdu ku beegneyd 25-ka bishii Janaayo, waxaana dabkaas uu socday illaa waaberiga, isagoo geystay khasaare hantiyeed.

4- Dabkii u dambeeyey ayaa qabsaday qeybo ka mid ah suuqa Bakaaraha Jimcihii afaraad oo ka beegnaa xalay oo taariikhdu aheyd 1-da bisha Febraayo inkastoo dabkan laga gaaray oo uusan geysan khasaare baaxad leh, waana markii labaad ee suuqan uu dab qabsado bil gudaheed.

Inkastoo aan baaritaan dhab ah lagu sameynin sababta keentay gubashooyinkan u dambeeyey haddana dadku waxay isla dhexmarayaan iney ka dhasheen xargaha korontada oo si aan nidaamsaneyn suuqyada loo dulmariyey.

Ma jirto cid sheegi karta sababta afartii gubasho ee ugu dambeeyey ay ugu soo beegmeen afar jimce oo isxigta iyo sirta arintaas ku jirta, sidoo kale ma cadda xiriirka ka dhexeeya gubashooyinkan iyo inay ahayaeen kuwo qorsheysan iyo in kale, waxayna arintan abuuri kartaa tuhun.

Inkastoo qadarta Alle  ay wax walba ku dhici karaan, haddana su’aasha la isweydiinayo waxay tahay Maxaa kulmiyey afar Jimce oo isxigta iyo afar gubasho?!!

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -