Puntland oo Ciidamo u dirtay Deegaano ay ku dagaalameen Daacish iyo Shabaab

Wararka aan ka heleyno magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in maamulka Puntland ciidamo badan oo aad u hubeesan ay u direen deegaano ay maalmihii lasoo dhaafay ku dagaalamayeen kooxaha Daacish iyo Al Shabaab.

Ciidamo badan oo ku hubeesan gaadiidka Dagaalka ayaa u ruqaansaday dhinaca buuraha Golis gaar ahaan deegaanka Ceelka Miiraale iyo deegaano kale oo kuyaala Buuraha Golis ay isku hayaan gacan ku heynteeda Al Shabaab iyo Daacish.

Sida aan Wararka ku helnay Dagaalyahanada Al Shabaab iyo Daacish ayaa dhowr mar ku dagaalamay deegaano kuyaala Buuraha Golis, labada koox oo dagaal u dhaxeeyo ayaa ku loolamaya qabsashada deegaanada kuyaala dhulka buuraha ee Golis.

Saraakiisha iyo Masuuliiinta maamulka Puntland ayaan wali ka hadlin Ujeedka ciidamada badan ugu direen Buuraha Golis gaar ahaan deegaanada la sheegay in ay ku dagaalameen Daacish iyo Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -