In ka badan 100-qof oo ku dhimatay Biyo xireen soo dumay (Daawo Sawirada)

Warbaahinta Caalamka ayaa baahinaya muuqaalo argagax leh oo Kaamirooyinka Qarsoon ee loo yaqaan CCV ay kasoo duubeen Biyo xireen soo dumay oo kuyaala Koonfurta dalka Brazil.

Biyo xireenkan ayaa markii  uu dumay waxa uu kusoo fatahay goob macdanta laga qodo ay ku sugnaayeen dad badan, waxaana Muuqaalka laga arkayay dhoobo iyo biyo badan oo si xoog leh ugu soo fatahaya goobta macdanta laga qodo.

Inta la xaqiijiya 115 qof ayaa ku dhimatay fatahaada ka dhalatay biyo xireen kar kaarada jabsaday, waxaa sidoo kale nolol iyo geeri lagu raadinayaa boqolaal qof oo kale oo iyana ku sugnaa goobta mashaqadu ka dhacday.

Muuqaalka ay duubtay Kaamirada CCTV markii biyo xireenka uu dumay ayaa laga dhax arkayay fataahada oo dhibaato u geesaneysa maqaayad kofeega laga cabo oo ku dhex taalay shirkada macdanta iyo dhismooyinka ku yaala gudaha magaalada Brumadinho .

Kooxaha gurmadka ayaa wada baadi goobka dadka ku maqan fatahaahada ka dhalatay biyo xireenka kar kaarada jabsaday, Booliiska Brazil ayaana shan qof usoo xiray  sababaha dhaliyay in biya-xireenku ku fataho goobta macdanta laga qodo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -