Qarax gaari lagu soo xiray oo ka dhacay Muqdisho iyo faah faahino kasoo baxaya

Waxaa maanta qarax nuuca gaadiidka hoosta looga  dhajiyo uu ka dhacay Isgooska Tarabuunka ee degmada Hodan, waxaana qaraxan ka dhashay khasaaro dad shacab ah soo gaaray.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in gaari yar oo nuuca raaxada ah uu qarxay xili uu yaalay agagaarka isgooska Tarabuunka, waxaana qaraxan ku dhaawacmay labo qof oo shacab ah oo marayay goobta uu gaarigu ku qarxay.

Gaariga qarxay ruuxii watay ayaa la sheegay in uu ka bad baaday qaraxa, lamana oga ilaa hada waxa uu ahaa ruuxa gaariga watay ee la doonayay in lagu dilo qaraxaasi gaariga loogu soo xiray.

Ciidamo katirsan booliiska degmada Hodan aya asoo gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, waxa ayna ciidamada goobtaasi ka sameeyeen baaritaano aan cidna lagu soo xirin.

Qaraxyada gaadiidka hoosta looga soo dhajiyo ee lagu beegsado wadaha gaariga iyo sidoo kale qaraxyada kale ee miino ayaa maalmihii lasoo dhaafay kusoo badanayay magaalada Muqdisho iyo deegaanada ku dhaw dhaw.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -