Daawo Sawirada: Dayax gacmeedkii ugu Weynaa oo hawada sare loo direy

Waxaa hawada sare loo diray Dayax gacmeed la sheegay in uu yahay kii ugu weynaa taariikhda inta la ogyahay, waxaana Dayax gacmeedkan laga ganay xarun lagu magacaabo Kennedy Space Center oo kutaala gobolka Florida ee dalka Mareykanka.

Dayax gacmeedkan waxaa diray nin bilyan neer ah oo lagu magacaabo Elon Musk,Ninkan ayaana  muddo ka shaqaynayay hawshan iyo sidii uu ugu guuleesan lahaa in dayax gacmeedkan hawada loo diro.

Shirkad uu leeyahay maal qabeenkan oo lagu magacaabo  Space X ayaa ku guuleesatay in Dayax gacmeedkan hawada sare loo diro iyada oon wax cilad ah ku imaan, waxaana diritaanka Dayax gacmeedkan lagu tilmaamay guul.

Dayax gacmeedkan hawada loo ganay oo lagu magacaabo Falcon Heavy ayaa la sheegay in uu ahaa qalabkii ugu cuslaa uguna weynaa ee ebed hawada loo diro, mana jirin Dayax gacmeed kan lamid ah oo horey hawada loogu diray.

Dhaqaalo aad u badan ayaa ku baxda sameynta iyo dirista Dayax gacmeedka, waxaana inta badan looga bartay  in Dayax gacmeedka hawada u diraan hay’adda NASA iyo kuwa la mid ah oo  dalalka kale laga leeyahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -