Allbanaadir.com
NEWS

Arday Shahaadada Masterka ka qaatay Jaamacada Stafort oo Muqdisho Munaasabad loogu qabtay (Daawo Sawirro)

Waxaa maanta magaalada Muqdisho munaaaabad  loogu qabtay 100 arday  oo dhameesatay Darajada labaad ee waxbarashada sare ee Mastar Digree , kuwaa oo qaab Online ah kaga dhiganayay Jaamacad Stafort oo ku taala Dalka Ugaandha, waxaana fududeesay Jaamacada Daaru salaam ee kutaala magaalada Muqdisho.

Munaasabadan waxaa Kasoo qeyb galay MasUuliyiin xilal Kala duwan ka haya Dowlada Faderaalka Soomaaliya, Aqoonyahano, marti sharaf, Waalidiin iyo qaar kamid ah ardayda dhameesatay darajada labaad ee waxbarashada.

Dr Osmaan oo ah madaxa Boorka Jaamacada Daarusalaa oo Munaasabada ka hadlay ayaa sharaxay sida ay ugu Suurta Gashay ardaydan iyaga oo joogo dalka ay wax ka bartaan jaamacada ku taala Dalka Uguaandha, Waxa uu sidoo Kale sheegay in ay kutimid qalin jabintan ardayda Maanta Heshiis ay wada Gaareen Labada Jaamacadood kaa Oo ay ka gol lahaayeen in ay Helaan ardayda Soomaaliyeed Waxbarasho Tayo leh iyga oo dalka Jooga.

Xilidhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ahaa Xubnihi ka hadlay munaasabada qalin jabinta ayaa dhalinyarada dhameesatay Heerka labaad waxbarahsada, waxa uu kula Dardaarmay in waxa ay barteen dalkooda ku anfacaan maadaama ay dalka ubaahan yahay.

Sidoo kale Xubnihki ka Hadlay munaasabada qalin jabinta waxaa kamid ah Admiral Faarax Qare isaga oo ku dheeraatay Horumarka ay sameenayaan jaamacadaha Dalka Gaar ahaan jaamacada Daaaru salaam .

Profasor Henry Ageesa oo ah Gudoomiyaha Jaamacada stafort ee dalka Ugandha ayaa isna dhankiisa u Mahad celiyay ardayda dhameesatay Darajada Labaad Ee Waxbarashada Masterka, waxa uuna xusay in ardaydan yihiin Dufcadii ugu Horeesay Oo qaab Online ah wax ugu Bartay jaamacadooda iyaga oo dalkooda hooyo jooga.

Jaamacada Daaru Salaam ayaa kamid ah Jaamacadaha kuyaala magaalada Muqdisho, waxaana jaamacadan wax ka barta arday badan oo Soomaaliyeed, waxaana Jaamacada xiriir la leedahay Jaamacado dalka dibadiisa kuyaala.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Booliiska Soomaaliya oo amray in laga guuro dhul kuyaalla magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

 Amiin Quran Online oo fursad qaaliya u haya Qurbajoogta Soomaliyeed iyo Carruurtooda

Cabdi Cade

Mid kamid ah Xiddigii Galmudug koobka kula guuleestay oo Dhuusomareeb ku geeriyooday

Cabdi Cade