Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo Telfoon kula hadlay Madaxweynaha Kenya xili xiisad jirto

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuru Kenyatta oo khadka telefoonka ku wada hadlay ayaa isla gartay ahmiyadda ay leedahay in si wadajir ah labada dal ay uga shaqeeyaan sugidda nabadgalyada xuduudaha iyo guud ahaan xasilloonida gobolka.

Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Kenyatta ayaa adkeeyay in amniga labada dal uu yahay mid isku xiran, loona baahan yahay in laga fogaado wax walba oo keeni kara isfaham darro.

Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale isku afgartay in sida ugu dhakhsiyaha badan ay u wada fariistaan guddiyo ka socda Soomaaliya iyo Kenya kuwaas oo ka shaqaynaya sidii loo xoojin lahaa xiriirka diblomaasiyadeed iyo kan ganacsi ee labada dad iyo dal ka dhexeeya.

Wadahadalka labada Madaxweyne ayaa kusoo aadaya xili ay sii xoogeesatay xiisada u dhaxeysa labada wadan, waxaana dowlada Kenya shalay ku eedeesay Soomaaliya in ay kusoo xadgudubtay , waxaa sidoo kale horey u jiray eedeymo Soomaaliya dhankeeda u jeedisay Kenya.

 Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Saldhig Cusub oo laga hirgaliyay Garoonka Shaati Gaduud iyo Warar kale oo Xasaasi ah

Cabdi Cade

Bushaaro loo hayo qurba joogta Soomaaliyeed meel kasta ay Joogaan

admin

Gaas oo ka hadlay doorashadii gudoonka Baarlamanka & khilaafka Somalia & Imaaraadka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---