Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Shirkad Diyaaradeed oo badelkii Muusika Rakaabkeeda u daareysa Qasiido Nabi amaan ah

Shirkadaha Diyaaradaha Caalamka ayaa qaarkood dadka rakaabka ah ee saaran ku maaweeliya muusig dabacsan iyo aflaam, waxa ayna shirkadaha ugu tala galeen rakaabkooda in safarka aysan ku caajisin.

Shirkada Diyaaradaha Pakistan International Airlines ayaa go’aansatay in rakaabka diyaaradaheeda ku safraya in ay u shido Qasiido nabi amaan ah, sida uu ku dhawaaqay Gudoomiyaha shirkada Marshal Arshad Malik.

Qasiida Nabi amaanka ah ayaa shirkada si gaar ah looga daaraya duulimaadka ay diyaaradaasi ku tageyso magaalooyinka Jiddah iyo Madiina ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Shirkada Diyaaradaha Pakistan International Airlines ayaa inta badan looga bartay marka ay dunida dacaladeeda u safreyso in laga aqriyo ducada safarka ,waxa ayna shirkadan tahay mid dooneysa in macaamiisheeda raali galiso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Weriye TV oo isagoo toos hawada ugu jira shaaciyey geerida Walaalkiis (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

(Sawirro) Maamulka G/Banaadir oo kulan ka yeeshay ka hortaga xanuunka COVID-19

Caydiid Ali

Garaadada SSC oo ku dhawaaqay iney hoos tagaan dowlada Somalia (War Murtiyeed)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---