(Sawirro) Maamulka G/Banaadir oo kulan ka yeeshay ka hortaga xanuunka COVID-19

Shirkii todobaadlaha ee Maamulka Guud ee Gobalka Banaadir ayaa ka qabsoomay Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay Doorka uu Maamulka Gobalka Banaadir iyo Dowladda Hoose kaga Aadan ka hortaga xanuunka Coved 19, gaar ahaan waaxda caafimaadka Dowladda Hoose iyo Warbaahinta Gobalka Banaadir kaga Aadan Wacyi galinta Bulshada.

Kulanka waxa kale oo looga hadlay Dardargalinta ololaha canshuur uruurinta Dowladda Hoose ee Xamar oo Meel Wanaagsan Maraya, Xaaladda Guud ee Amniga Magaalada Muqdisho ayaa kulanka muhiimad gaar ah la siiyay iyadoo la Xusay qaraxyadii lala eegtay Balaayaasha Kamirooyinka qarsoon ee lagu sugo ammaanka Magaalada ee loo yaqaan (CCTV), Waxaa kale oo lagu soo qaaday kulanka bilicda iyo Nadaafadda Magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, ku-xigeenadiisa, Agasimayaayaasha guud, Agaasimayayaasha Waaxyaha, Guddoomiyayaasha Degmoouyinka, taliska ciidanka ilaalada Deeganka Xamar, la taliyayaasha Duqa Muqdisho iyo afhayeenka Gobalka Banaadir.

Shirka Ayaa gabagabadiisa lagu ballamay in laga dhabeeyo hal-ku dhigga duqa Muqdisho oo ah Bulsho Nabad ah iyo Balad Nadiif ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -