Madaxdii ka hadashay Caleemo saarkii Garawe oo Fuliyay hal balan ay ka qaadeen Madaxweyne Deni

Waxaa xalay magaalada Garawe ee caasimada maamulka Puntland lagu qabtay munaasabad balaaran oo lagu caleemo saarayay Madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland Saciid Deni iyo kuxigeenkiisa.

Munaasabada Caleemo saarka waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya, Madaxweynayaal hore, Madaxda maamul goboleedyada, Siyaasiyiin , Waxgarad , Diblumaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Garawe waxaa isugu tagay Muxaafid iyo mucaarad , waxa ayna dhamaan halkaasi u tageen ka qeyb galka Munaasabada Caleemo saarka Madaxwenaha cusub ee Puntland Saciid Deni oo ah min wajiyo badan oo saaxiibna la ah inta badan madaxda hada iyo kuwii hore.

Madaxweynaha cusub ee Puntland ayaa dadaal badan oo guuleestay ku bixiyay sidii munaasabada lagu caleemo saarayay u noqon laheyd mid jawi xasiloon ku dhacda lagana ilaaliyo in madaxda hadleysa isku cambaareeyaan.

Sida aan Wararka ku helnay Madaxweyne Deni ayaa dhamana Madaxda munaasabada khudbadaha ku laheyd inta u tagay si gaar ah uga codsanayay in hadalkooda uusan dhaafin hambalyo iyo guubaabo iskana ilaaliyaan hadalo xanaf keeni kara.

Dhamaan Madaxdii kala duwanaa ee munaasabada ka hadlay oo qadarinayay codsiga Madaxweynaha Puntland ayaa khudbadooda kusoo koobayay hambalyo iyo amaan ay u jeedinayaan maamulka Puntland.

Munaasabadii xalay ka dhacday Garawe ayaana noqotay mid si nabad ah ku dhacday oo muxaafid iyo mucaarad iyaga oon careesneyn ka tageen, waxaana aad loo xakameeyay khudbadaha kala duwan ee la jeedinayay.

Madaxda Munaasabada ka hadashay ayaana si weyn u tix galiyay codsigii Madaxweynaha Puntland ee ku aadanaa in Munaasabada aan la isku xag xagan ayna noqoto munaasabada mid halmbalyo iyo bogaadin kaliya ku kooban.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -