Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Soomaaliya oo la wareegtay gaadiid gaashaaman oo loogu deeqay (Daawo Sawirro)

Deeq ka kooban gaadiid gaashaaman ayaa manta dowlada Talyaanigu waxay ku wareejisay dowlada federaalka Soomaaliya/

Qoraal  lagu daabacay Barta Twitterka Safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Talyaaniga ay gaadiid gaashaaman ku wareejisay Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Booliska, iyadoo u soo marisay Midowga Africa.

Gaadiidka Gaashaaman ee Talyaaniga ku wareejiyay Wasaaradda Amniga gudaha ayaa looga gol leeyahay iney dowr muhiim ah ka ciyaaraan dagaalka iyo halganka adag ee dowladdu kula jirto Al-Shabaab sida ku xusan qoraalka.

Wasiirka amniga gudaha Somalia Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) oo lagu wareejiyey gaadiidkan ayaa dowlada Talyaaniga uga mahad celiyey deeqdan wax ku oolka ah oo uu xusay iney wax weyn ka tareyso sugida amniga dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaan Kenyan ah oo soo saaray Amar cabsi badan ku abuuray Soomaalida kunool …

admin

Shacab careysan oo Garbahaarey ku dhaawacay Wasiiro uu dirsaday Axmed Madoobe

Caydiid Ali

(Sawirro) Olole oo cusub oo laga bilaabayo Muqdisho iyo Cumar Filish oo daahfuray

Caydiid Ali
Taboola Ads ---