Allbanaadir.com
NEWS

Esmond Bradley oo maydkiisa laga helay gurigiisa oo ku yaalla Nairobi (Daawo Sawirro)

Esmond Bradley oo ahaa Mid ka mid ah baarayaasha ka ganacsiga sharci darada ah ee foolasha Maroodiga iyo geeska Wiyisha ayaa lagu dilay dalka Kenya.

Bradley oo 75 jir ahaa ayaa Axaddii maydkiisa laga helay gurigiisa oo ku yaalla Nairobi isagoo ay qoorta kaga taalo dhaawac mindi loo adeegsaday.

Waxa uu markii ugu horeysay yimid Kenya 1970 markaasi oo uu samaynayay baaritaano ku aadan foolasha Maroodiga ee laga ganacsdo.

Martin oo ahaa ergaygii hore ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaa daryeelka wiyisha ayaa caan ku ahaa in si qarsoodi ah uu ku ogaado qiimaha suuqyada madow ee foolasha Maroodiga iyo Wiyisha.

Ninkani oo u dhashay dalka Mareykanka ayaa dhawaan ka soo laabtay Myanmar oo uu cilmi baaris ka samaynayay, isagoo ku guda jiray markii uu dhimanayay geedi socodka qoridda natiijadii baaritaankaasi.

Booliiska ayaa baaraya dhimasahada Bradley Martin, waxayna ka shakisan yihiin inuu falkaas ahaa dhac fashilmay.

Ninkan ayaa muddo toboneeyo sano naftiisa halis u galiyay in si qarsoodi uu u sawiro oo uu qoraalo uga sameeyo foolasha Maroodiga iyo Wiyisha sida sharci darada ah loo iib geeyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Puntland oo shaacisay in xogta dagaalka ay wadaan aysan ku aamini karin DFS sababo la xariira in…

Cabdi Cade

Faahfaahin: Labo qarax oo ka dhacay Qudus & Booliska Israel oo ka hadlay (Sawirro)

Caydiid Ali

Maareeyihii dekadda Kismaayo & dad kale oo ku dhintay dagaal ka dhacay Magaaladaas

Caydiid Ali
Taboola Ads ---