Qoys Kenyan ah oo Dhulkooda u iibinaya Al Shabaab iyo Sababta ka dambeysa (Daawo Sawirro)

Qoys Kenyan ah ayaa ka walaacsan nolosha wiilkooda ay tuhmayaan in uu gacanta ugu jiro Al Shabaab, waxa uuna ninkan maqan kamid ahaa askartii Al Shabaab ku weerareen Deegaanka Ceel Cadde labo sano kahor.

Isaac Mbalewa oo kamid ahaa milatariga Kenya ayaa la waayay tan iyo waxii ka dambeeyay weerarkii Al Shabaab ku qaadeen xero Milatariga Kenya ku lahaayeen Deegaanka Ceel Cadde, waxaana la sheegay Al Shabaab in askarigan nolosha ku wateen.

Askarigan ayaa maalin kadib weerarkii Al Shabaab waxaa codkiisa laga maqlay Idaacad afka Al Shabaab ku hadasha isaga oo cods u diraya Dowlada Kenya kuna baaqaya in noloshiisa la bad baadiyo.

Qoyskan askariga maqan ayaa sheegay in diyaar u yihiin in ay iibiyaan qeyb kamid ah hantidooda sida dhul ay leeyihiin si Al Shabaab u siiyaan uguna badashaan wiilkooda hadii uu nool yahay.

Francis Otsyalo oo ah aabaha dhalay Askarigan maqan ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay wax walbo oo awoodooda ah bixiyaan hadiiba dib loogu soo celin karo wiilkooda oo afar caruur ah dhalay.

Aabaha askariga oo qaba Cudurka dhiikarka iyo wadna garaaca ayaa waxaa ka muuqda wal wal aad u xoogan, waxa uuna sheegay in uu ka cabsi qabo in uu dhinto isaga oon arkin wiilkiisa ka maqan.

Francis Otsyalo ayaa ugu baaqay Madaxweynaha dalka Kenya in uu gacan ka geesto sidii loo bad baadin lahaa nolosha wiilkiisa, waxa uuna tilmaamay in habeenkii ku riyoodo in wiilkiisa uu dhintay ayna aaseen Milatariga Kenya, balse marka uu soo kaco uu soo xasuusto codkii wiilkiisa oo ka hadlaya Idaacada Al Shabaab leeyihiin.

Hooyada dhashay askariga maqan Josephine Otsyalo ayaa sheegtay in ay ka murugsan tahay xaalada uu ku sugan yahay wiilkeeda, waxa ayna xustay in habeen iyo maalin ay ku jirto alle bari si wiilkooda oo nool u hesho.

Josephine Otsyalo ayaa sheegtay in ay diyaar u yihiin in ay bixiyaan waxii ay hanti heestaan si wiilkooda loogu soo bad baadiyo, waxa ayna codsi u dirtay cid kasta oo gacan ka siin karta sii deysmada wiilkeeda.

Al Shabaab ayaa weerar labo sano kahor ku qaadeen xero Milatariga Kenya ku lahaayeen Deegaanka Ceel Cadde ee gobolka Gobolka Gedo waxa ay ku dileen in ka badan 100 askari oo Kenyan ah halka nolol ku waateen qaar kale oo kamid ahaa askrta Kenya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -