Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Kenya oo shaacisay iney dadka Soomaalida u fududeyneyso dal ku-galka

Kenya ayaa wada qorshe dadka Soomaaliyeed ay ugu fududeyneyso fiisaha dalka ku galka, si loo horumariyo xiriirka ganacsi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya iyo weliba isku socodka labada dal.

Xoghayaha Arrimaha dibadda Kenya Secretary Macharia Kamau ayaa sheegay in dowladdiisa ay ka shaqeyneyso fududeynta fiisaha dalka ku galka dadka Soomaaliyeed ee dalkaas si buu yiri loo horumariyo isku socdka labada dal.

Macharia ayaa tilmaamay in xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya aysan dhibaato ku noqon doonin caqabadaha siyaasadeed iyo amni ee u dhaxeeya labada dal.

Xoghayaha  Arrimaha dibadda Kenya Secretary Macharia Kamau iyo wafdi la socda ayaa dhameystay booqasho 3 cisho qaadatay oo ku yimaadeen Muqdisho, iyagoo kulamo la qaatay madax ka tirsan DF.

Wafdiga Kenya ayaa madaxda Soomaalida kala hadlay arrimo kale oo ay ka mid yihiin sidii loo fasixi lahaa qaadka laga soo dhoofiyo Kenya oo DF ay joojisay bilowgii sanadkan ka dib markii uu caalamka ku faafay cudurka Coronavirius, lamana oga go’aanka ay DF ka qaadatay dalabka wefdiga Kenya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

SSC oo war ka soo saartay dagaalo ka soo cusboonaaday gobolka Sool (Akhriso)

Caydiid Ali

Axmed Madoobe oo Damacsan Fishilinta Qorshe ay wado dowlada federaalka

Cabdi Cade

Askar katirsan Milatariga Sudan oo xabsi laga sii daayay loona qeybiyay Lacag

Cabdi Cade
Taboola Ads ---