Allbanaadir.com
MUQDISHONEWSSOUTH WEST

Guddoomiye Mursal: “Aniga & Laftagareen hadaan Mukhtaar Roobow soo deyn weyno kuraasta aan ku fadhino waan..”

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh ayaa maanta magaalada Baydhaba kula kulmay Odayaasha, Dhalinyarada, Waxgaradka Xillibaanadda Kasoo Jeeda Beesha uu ka dhashay Mukhtaar Roobow.

Odayashaa ayaa guddoomiye Mursal ka dalbaday in la soo daayo oo xoriyadiisa dib loogu soo celiyo Sheekh Muqtaar, halkaasoo ay ka bilaaban karto dib u heshiisiinta ay wadaan, iyagoo sidoo kale ka hadlay dembiyadi ka dhacay magaalada Baydhaba iyo dadkii ay ciidamada dowladda ku dileen.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal ayaa dhinaciisa u jeediyey odayaasha balanqaad ku sabasan inuu si degdeg qax uga qaban doono arrinta xariga Mukhtaar Roobow, isla markaana isaga iyo madaxweyne C/casiis Lafta-gareen ka shaqeynayaan sidoo loo sii deyn lahaa, isagoo dhinaca kale balan-qaaday in dowladu ay diyo ka bixin doonto dadkii lagu dilay rabshadihii ka dhacay Baydhabo kuwii dhaawacmayna loo bag dhayi doono.

“Waad ogtihiin anigu waan ka hadlay in Mukhtaar Roobow la mid yahay Musharixiinta kale, farahana laga qaado.. Xitaa Waxaan dalbaday in doorashada dib loo dhigo.. xaalad walboo Mukhtaar lagula dhaqmay aniga raali kama aheyn, waxaan idin balanqaadayaa in Mukhtaar uu bannaanka soo bixi doono.. Aniga iyo C/cassiis oo isla jirna haddii Mukhtaar aan soo deyn weyno.. kuraasta aan ku fadhino waa wax kale” ayuu yiri Gudoomiyaha Mursal.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wariyaal duubay Muuqaal uu si weyn uga carrooday Madaxweyne Afrikan ah oo Xabsi laga sii daayay

Cabdi Cade

Tartanka loogu jiro Maalgashiga Dekadaha Soomaaliya iyo Ujeedooyinka ka dambeeya

Cabdi Cade

Aadan Madoobe oo si adag uga hadlay Xildhibaannada ka maqan fadhiyada BFS

Cabdi Cade
Taboola Ads ---