Wiil Soomaali lagu dhex dilay Xabsi kuyaala London & qoyskiisa oo ka hadlay (Daawo Sawirro)

Wiil Soomaali ah ayaa lagu dilay xabsi ku yaalla magaalada London ka dib rabshado dhexmaray maxaabiista xabsigaas.

Qoyskiisa waxay u maleynayeen inuu ku badbaadi ogyahay xabsiga dhexdiisa ka dib caqabado uu kala kulmay banaanka, balse hadda waxa ay ku jiraan baroordiiq.

Afar qof ayaa loo xirxiray dilka Khadar Saalax oo lagu dhexdilay xabsiga Wormwood Scrubs ee galbeedka London.

Dilkiisa ayaa waxaa loo adeegsaday toori, iyada oo booliiska ay sheegeen in dhaawacyo xunxun ay jirkiisa ka muuqdeen.

Saciid Yuusuf oo ah wiilka ka weyn Khadar ayaa sheegay in dilka dhacay uu qoyska ku reebay tiiraanyo iyo murugo.

“Wuxuu ahaa nin dhalinyaro ah oo nolosha rajo badan ka leh, mardhow ayuu guursaday, waxaana loo hayay hal wiil” ayuu yiri Siciid.

Xabsiga oo la dhisay xiligii boqoradii Victoria ayaa waxa uu qaadaa 1,279 maxbuus. Hadda waxaa ku jirta 1,131 maxbuus.

Rabshadaha xabsiga gudihiisa ka jira ayay dowladda la tacaalaysaa sidii ay u xakamayn lahayd, afhayeen u hadlay wasaaradda caddaaladana waxa uu sheegay in lasoo kordhinayo nidaamyo cusub.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -