Midowga Yurub oo ciidamo gaar ah u sameynaya ka hortaga qulqulka Qaxootiga

Baarlamanka Midowga Yurub ayaa ansixiyay sharci cusub oo lagu xakameynayo Qaxootiga sida sharci darada ugu soo qulqulaya Wadamada xubinta ka ah Midowga Yurub.

Sharciga ayaa dhigaya in Ciidan loo sameeyo Xaduuda Wadamada Yurub kuwaasoo tiradooda gaaraya 10,000 kun oo Ciidan gaar ah kuwaasoo qabanaya shaqooyin kala duwan.

Shaqooyinka sida qaaska u qabanayaan waxaa ka mid ah Ilaalinta soo galootiga sida Sharci darada ku soo dhaafaya Xaduuda iyagoo sameeya baaritaano ay ka mid yihiin weydiinta Aqoonsiga dadka laga shakiyo.

Xaruunta Ciidanka ayaa laga dhigayaa magaalada Warsaw ee dalka Poland Halkaasoo maraakiibta iyo diyaaradaha ay ka howlgalayaan iyadoo tirada ciidanka la dhamestirayo bilowga 2020.

Wadamada xoogga ugu badan la saarayo waxaa kamid ah Dalka Gariiga halkaasoo qaxooti badan ka soo gudbaan sanadihii u danbeeyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -