Maxkamada Ciidamada oo Xukun dil ah ku riday Maxamed C/raxmaan Ibraahim

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee dowlada Soomaaliya ayaa xukun dil ah ku riday Dable Xoogga Dalka Maxamed Cabdiraxmaan Ibraahim oo dilay Marxuum  Ex, Alifle Boliis Salaad Xasan Maxamed dilkaas oo ka dhacay Ex, Kontorool Afgooye 06-bishii 10-aad ee sanadii tagtay.

Askarigan ayaa la sheegay in si kutala gal ah u dilay Ex, Alifle Boliis Salaad Xasan Maxamed, waxaana la sheegay in askariga dilka geestaty marar badan u hanjabay askariga uu dilay.

Maxkamada ayaa sheegtay in askariga dilka geestay u baxsaday degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose, halkaas oo markii dambe ciidamada amaanka kasoo qabteen kuna wareejiyeen Maxkamada ciidamada qalabka sida.

Maxkamadda ayaa muddeysay dhageyiga dacwadda 29-ka bishii 12-aad ee sanadii 2018, iyadoo laba cisha uun kadib loo fariistay dhageysia dacwadda, xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa soo bandhiga sedax markaati, sawirka Marxuumka, warqadda Dhakhtarka ee  caddeyneysa dhimashada iyo qiraalka eedeysanaha.

Laba xidigle Ismaaciil Salaad Maxamed  oo ah ku xigeenka Xeer Ilaaliya Ciidamada Qalabka Side ayaa ku dooday in Dable Xoogga Dalka Maxamed Cabdiraxmaan Ibraahim   uu ku kacay fal dil ah weliba isagoo muujinaya Isla-weynin, waxa uuna marxuumka kula mur-muray in uusan jirin sharci gacmaha qaban karo.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa shaaciyay in xukun dil ah lagu riday Dable Xoogga Dalka Maxamed Cabdiraxmaan Ibraahim  .

Askariga xukunka dilka ah lagu riday ayaa heesta fursad kale uu racfaan ku qaadan karo hadii uusan ku qanacsaneyn xukunka dilka ah ay ku riday Maxkamada darajada koobaad ee cidamada Qalabka sida.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -