Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dil goor dhow ka dhacay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Askari ka tirsan ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa maanta isgoyska Howl-wadaag ee Gobalka Banaadir ku dilay wiil dhalinyaro ah oo darawal ka ahaa Mooto Bajaaj.

Goobjoogayaal ayaa Warbaahinta u sheegay in askariga iyo wiilka bajaajla ah ay murmeen, ka hor inta askari uusan xabad ku furin wiilka oo markiiba ku dhintay goobta.

Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa tagay goobta, waxaana la sheegay in askarigii dilka geystay uu goobta ka baxsaday.

Dilalka ciidamada amaanku ay u geystaan darawalada bajaajleyda ayaa mudooyinkan ku soo badanayey magaalada Muqdisho, lamana oga weli sababta had iyo jeer askartu u toogtaan darawalada bajaajleyda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladda oo Shaacisay in howlgal qorsheesan lagu dilay in ka badan100 nin oo Al Shabaab katirsan

Cabdi Cade

Dowlada Somalia oo si kulul u beenisay War laga sii daayey Warbaahinta gudaha (Sawirro)

Caydiid Ali

Dagaalyahano ka soo goostay Al-Shabaab oo la soo bandhigay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---