Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlada Somalia oo si kulul u beenisay War laga sii daayey Warbaahinta gudaha (Sawirro)

Xukuumadda Soomaaliya ayaa si kulul u beenisay in Al-Shabaab ay joojiyeen dayactirkii ka socday Garoonka Kubadda Cagta ee Stadium Muqdisho, kadib warbixinno laga soo xigtay shirkadda dhiseysa garoonka oo ay baahisay saxaafada gudaha qaarkood.

Ra’iisal Wasaare kuxigeenka xukuumadda Somalia Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ay la socdeen Wasiirka Dhalinyarada & Cayaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye, Wasiirka Warfaafinta Maareeye & Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Filish ayaa saxaafadda kula hadlay gudaha Garoonka Stadium Muqdisho, waxayna been abuur ku tilmaameen inay joogsatay shaqadii dayactirka ee Garoonka ka socotay.

Wasiirka Wasaaradda Warfaanta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in howshii dhismaha & Dayactirka ee Stadium Muqdisho ay si caadi ah u socdaan, isla markaana aysan jirin wararka sheegaya in Alshabaab joojisay dhismaha, isagoo caddeeyay inay baaritaan ku sameyn doonaan shirkadda heysata qandaraaska dhismaha Garoonka.

Wasiir Maareeye ayaa sheegay in Al-shabaab aysan awood u laheyn joojinta dhismaha garoonka, isagoo uga digay Warbaahinta gaarka loo leeyahay wararka been abuurka ah.

Mas’uuliyiinta ayaa kormeer ku sameeyay qeybaha Garoonka weyn ee Stadio Muqdisho iyo Tuulada Ciyaaraha. Waxaana la arkayey shaqaale kala duwan oo halkaas ka wada howlaha lagu dayactirayo garoonka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

https://youtu.be/wpG-EPSb8Jk

Related posts

Soomaaliya oo loo oggolaaday Xuquuqda Cod-bixinta ee Golaha Guud ee QM iyo Dalal laga joojiyay

Cabdi Cade

Guddoomyihii degmada Baraawe oo xilka laga qaaday & mid cusub oo la magacaabay

Caydiid Ali

Dowlado Carbeed oo cambaareeyay xadgudubyo cusub oo Israa’iil ku kacday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---