Wararkii Ugu Dambeeyay Weerar lagu qaaday Hotel kuyaala Nairobi iyo Rasaas socota

Dagaalyahano hubeesan oo la tuhmayo in ay katirsan yihiin Al Shabaab ayaa weerar xoogan oo isugu jira qaraxyo iyo mid toos ah waxa ay ku qaadeen Hotelka Dusit oo kuyaala magaalada Nairobi.

Qaraxyo xoogan ayaa la sheegay in ay ka dhaceen Hotelka la weeraray, waxaana qaraxyada kadib Hotelka la sheegay in ay galeen dagaalyahano hubeesan oo katirsan Al Shabaab.

Rasaas xoogan ayaa laga maqlayaa halka uu kuyaala Hotelka Dusit, waxaana halkaasi buux dhaafiyay ciidamada booliiska iyo kuwa sida gaarka ah u tababaran, waxaana xiran inta badan wadooyinka soo gala hotelka la weeraray.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in rasaas xoogan ka dhaceyso gudaha Hotelka, waxaana gaadiidka ambalaasta hotelka iyo goobo ku dhaw dhaw ka qaadeen dad dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen weerarka.

Gaadiid gubtay iyo dad qaba dhaawacyo kala duwan ayaa lagu baahiyay baraha bulshada iyo Warbaahinta, waxaana xiligan xaalad kacsanaan ah ka jirtaa qeybo kamid ah magaalada Naiarobi.

Waxii warar ah ee kusoo kordha warkan kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -