Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Taliye Indhaqarshe oo qaabilay Saraakiil ka socday ciidamada dalka Qatar (Daawo Sawirro)

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya S/Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe) ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Saraakiil ka socotay  Taliska Milatariga dalka Qatar oo uu horkacayey Jen. Max’uud Al Qasaali.

Kulanka ayaa looga hadlay Xiriirka iyo Iskaashiga ka dhaxeeya Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Qatar.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa sheegay in kulanka uu la qaatay saraakiisha ka Socotay Dalka Qatar uu ahaa Mid looga Hadlayay Sidii wada shaqeyn iyo  Iskaashi  Xariir u dhax Mari lahaa  Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya  iyo Ciidanka Dalka Qatar.

Jen. Maxamuud Al-Qasaali ayaa isna sheegay in Qatar ay Soomaaliya ka caawineyso dhismaha iyo tababarada Ciidamada Qalabka Sida ay Soomaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

 

Related posts

Itoobiya oo la siiyay Gaadiid ay u adeegsato la dagaalanka Al Shabaab (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Waa Kuma Masuulkii ugu horeeyay oo xili habeen ah ka dhoofay kana soo dagay Garoonka diyaaradhaa Muqdisho !!

admin

Madaxweyne Farmaajo oo xilka ka qaaday Xeer ilaaliyihii Qaranka mid cusubna magacaabay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---