Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Daawo Sawirada: Madaxda dalka ugu sareysa oo ka qeyb gashay Munaasabad casho sharaf ah oo…

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay ka qayb galay munaasabad casho sharaf ah oo lagu soo xiraayay Kalfadhiga 4-aad ee Golaha Shacabka oo ka dhacday Madaxtooyada Qaranka.

Madaxweynaha ayaa Guddoonka iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka uga mahadceliyay shaqooyinkii ay qabteen intii uu socday Kalfadhigii 4-aad, isaga oo ka dhawaajiyay ansixinta sharciyo muhiim u ah ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in sannadkan cusub ay xukuumaddu xoogga saarayso dib-u-heshiisiinta ummadda Soomaaliyeed iyo xoreynta dhulka ay haystaan cadawga argagaxisada Alshabaab, kuwaas oo u taagan dibindaabyada iyo dabar-goynta shacabka aan waxba galabsan.

Madaxweynaha ayaa xusay inuu ka shaqayn doono xallinta khilaafka ka dhexeeya labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isaga oo sheegay in is-afgaranwaa kasta oo ka dhex dhasha shacabka Soomaaliyeed ay iyagu dhammaysan doonaan, oo aan loo baahnayn dhinac saddexaad oo soo farageliya arrimaha gudaha dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho iyo faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Madaxweyne caan ah oo wada dedaalo lagu xalinayo xiisada ka taagan Laascaanood

Caydiid Ali

Saciid Ciise: “Hobyo Ma ogola dadkeedu in Heshiis Itoobiya lagula galo Dekedeeda”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---