Baaritaano lagu sameenayo Madaxweyne Trump iyo Aqalka cad oo si adag uga hadlay

Warbaahinta dalka Mareykanka ayaa ku waramaya in Laanta dambi baarista FBI-da bilowday baaritaano ku aadan in Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump si hoose ula shaqeeyo dowlada Ruushka.

Baaritaanada Madaxweynaha dalka Mareykanka lagu sameenayo ayaa diirada lagu saarayaa in xiriirka Madaxweynaha Mareykanka la leeyahay dowlada Ruushka ay qatar ku tahay amaanka Qaranka Mareykanka.

Warkan soo baxay ee ku aadan in FBI-da baareyso Madaxweyne Trump waxaa si adag uga jawaabtay xoghayaha Aqalka Cad ee warbaahinta Sarah Huckabee Sanders oo ku tilmaantay warkAn wax aan macquul aheyn.

“Tani waa wax aan macquul ahayn, James Comey waa la cayriyay, sababtoo ah wuxuu ahaa qof aan xushmad lahayn, ku xigeenkiisii Andrew McCabe, isagana waa beenlow la yaqaanno waxaana cayrisay FBI,” ayay tiri Sarah Huckabee.

Madaxweyne Trump iyo kooxdiisa ayaa la tuhmayaa in xiriir hoose iyo wada shaqeyn la leeyihiin dowlada Ruushka, waxaana baaritaano la xariira kiiskan lagu sameeyay xubno aad ugu dhaw Madaxweyne Trump.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -