Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Weerar Bambaano oo caawa lagu qaaday Guriga Gudoomiyaha degmada Dayniile

Waxaa caawa fiidkii qarax bambaano lagu tuuray guriga uu magaalada Muqdisho ka degan yahay gudoomiyaha degmada Dayniile Maxamed Abuukar Cali (Jacfar).

Sida aan Wararka ku helnay bambaabada ayaa lagu tuuray guri uu degmada Howlwadaag ka degan yahay Gudoomiyaha degmada Dayniile Jacfar ,waxaana guriga bambada lagu tuuray ka maqnaa Gudoomiyaha degmada Dayniile.

Inta la xaqiijiyay weerarka bambaano waxaa ku dhintay hooyo mareesay agagaarka guriga bambada lagu tuuray, waxaa sidoo kale weerarkaasi ku dhaawacmay gabar yar oo ay dhashay hooyada dhimatay.

Ciidamada amaanka ayaa lagu soo waramayaa in ay howlgal ay ka sameeyeen agagaarka guriga bambaanada lagu tuuray lagu soo qabtay labo dhalinyaro oo la tuhmayo in ay weerarka bambaano ku lug lahaayeen.

Weerarada bambaano ee lagu weeraro guryaha masuuliyiinta iyo xarumaha ciidanka ayaa magaalada Muqdisho ka dhaca xiliyada qaar , waxaana inta badan baxsada raga fuliya weerarada bambaano.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dagaal dad badan ku dhinteen oo ka dhacay Muqdisho oo Qaab beeleed loo xaliyay

Cabdi Cade

Qoys Ciidamada amniga u gacan geliyay nin shalau dil ka geestay Muqdisho

Cabdi Cade

Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Suuqa degmada Buulo Burde (Faahfaahin)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---