Waa imisa tirada tirada Suxufiyiinta sanadkii hore lagu dilay caalamka?

Sida laga soo xigtay Midowga Caalamiga ah ee Suxufiyiinta ee (IFJ) ugu yaraan 95 weriye ayaa la dilay sanadkii hore xili ay ku guda jireen shaqadooda

Tirada dhimashada wariyeyaasha ayaa ka badan tii 2017, balse ma ahan tiro gaareyso tan la diiwangeliyay sanadkii hore, xiligaasi oo dagaalo culus ay ka socdeen dalalka Suuriya iyo Ciraaq.

Tirada ugu badan ee dhimashada suxufiyiinta la diiwaangeliyay ayaa gaareysay 155 weriye sanadkii 2006.

Tiradaas ayaa waxaa ka mid ah qof kasta oo si uun uga howlgalayay xarumaha warbaahinta.

Dilkii loo geystay weriyihii caanka ahaa ee Jamal Khashoqji oo dhacay sanadkii 2018 ayaa dareenka caalamka soo jiitay.

Wariyahan ayaa la dilay bishii Octobar ee sanadkii lasoo daafay kaddib markii uu gaaray qunsuliyada Sucuudigu ku leeyahay dalka Turkiga.

Afghanistan ayaa wali ah mid ka mid ah dalalka ugu dhimashada badan werfidiyeenadda, iyadoo ay ku dhinteen sanadkii lasoo dhaafay 16 weriye oo 9 ka mid ah ay ku dhinteen goob uu weerar ka dhacay.

Dalalka ugu badan ee ay ku nool yihiin weriyeyaasha la xiray sanadkii 2018 ayaa waxaa ka mid ah: Turkiga 68, Shiinaha 47, ·Masar 25 iyo Sacuudiga oo 16 ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -