Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowladda Somalia oo dejinaysa qorshe cusub oo looga hortagayo qaraxyada

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Ducaalle ayaa sheegay iney dejinayaan qorshe cad oo looga hortagayo qaraxyada.

Ducaale ayaa hadalkan ka sheegay shir shalay magaaladda Muqdisho uga furmay shir wada-tashi ah oo ku saabsan ka hortagga qaraxyada gacan ku sameyska ah.

Shirkan ayaa  ka qeyb galay qaar kamid ah Saraakiisha Amniga, Masuuliyiin ka socday Wasaaradda Amniga gudaha iyo marti sharaf kale.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Ducaalle oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay in la iska kaashado ka hortagga Qaraxyada Kooxda Alshabaab ay ku xasuuqaan dadka Shacabka ah

Sidoo kale Wasiirka Amniga Gudaha XFS ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in Ciidamada ammaanka ay kala shaqeeyaan ka hortagga Waxyaabaha qarxa, islamarkaana looga baahan yahay inay ku war geliyaan Ciidanka haddii ay arkaan dad amni daro wada.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Magaalo ay ka baxeen ciidanka Ruushka oo lagu arkay Meydad daadsan jidadka (Sawirro)

Caydiid Ali

Haweenka oo Maxram la’aan tagi kara Xajka iyo Dowladda Sacuudiga oo ka hadashay

Cabdi Cade

Xasan Shiikh oo shaacinaya dal saxiixay heshiis lagu difaacayo badda Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---