Cabdiweli Gaas oo Doorashada ka haray iyo Sadex Musharax oo wareega labaad u gudbay

Waxaa goordhaw bilaabatay codeynta wareega labaad ee doorashada Madaxweynaha Puntland ay isugu soo hareen sadex musharax, halka wareegii hore ay ku hareen 18-Musharax oo xilka Madaxweynaha u tartamayay.

Musharaxiinta haray waxaa ku jira Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo helay 8-cod kaliya, waxaana tani noqotay natiijo aan horey loo sii saadaalineyn in Gaas Wareega koobaad ee doorashada ku hari doono.

Waxaa sidoo kale Wareega koobaad ku haray Musharax Maxamuud Khaliif Jabiye oo isna kamid ahaa musharaxiinta ugu saameynta badan doorashada, waxaana la tuhmayay in dowlada federaalka gadaal ka riixeysay.

Wareega labaad ee doorashada waxaa hada isugu soo haray Musharaxiinta kala ah Saciid Cabdulaahi Dani, Asad Cismaan Diyaano iyo Faarax Cali Shire kuwaa oo wareega koobaad helay codadka ugu badan.

Doorashada ayaa la saadaalinayaa in midkood uu kusoo bixi doono Saciid Cabdulaahi Dani iyo Musharax Asad Cismaan oo ah nin dhalinyaro ah oo la sheegay in taageero dadban ka helayo dowlada federaalka.

Waxii warar ah ee soo kordha kala soco wararkayaga dambe Insha Allah

- Advertisement -