Guulaha iyo Horumarka howlaha doorashooyinka ka gaaray Rooble oo lasoo bandhigay

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada  Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo lagu wareejiyay qaban qaabada doorashada Soomaaliya iyo amnigeeda ayaa horumaro badan ka sameeyay caqabado badan oo ku hor gudbanaa qabashada doorashada dhawaan dhaceysa.

Doorashada Soomaaliya oo shaki badan horey loo galiyay in ay qabsoomeyso taa oo keentay in dagaalo ka dhacaan magaalada Muqdisho ayaa tan iyo markii lagu wareejiyay Ra’isul Wasaare Rooble waji kale yeelatay heshiisna laga gaaray qabashada doorashada.

Jadwalkii doorashada ee lasoo saaray ayaa dib u dhac ku yimid , waxaana hada socota qaban qaabada doorashada Xildhibaanada aqalka sare oo la filayo in ay ka bilaabato qaar kamid ah dowlad goboleedyada.

Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa soo saaray guulaha laga gaaray doorashada tan iyo markii lagu wareejiyya, waxaana xafiiska ka gaabsaday soo bandhigida caqabadihii uu la kulmay.

Halakn ka Akhriso Guulaha Rooble ka gaaray Doorashada

May 27 2021: Waxaa la saxiixay heshiiiskii Golaha Wadatashiga Qaranka ee arrimaha doorashooyinka.

May 30 2021: Ra’iisul Wasaaraha ayaa guddi u magacaabay xaqiijinta xubnaha Guddiyada Doorashooyinka ee cabashada laga keenay.

May 31 2021: Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu qaabilay xubno ka socda Midowga Musharaxiinta oo ay ku jiraan Madaxweynayaashii hore, si uu uga dhageysto cabashadooda iyo talooyin.

June 19 2021: Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa magacaabay Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal, heer dowlad Goboleed iyo Xalinta khilaafaadka.

June 29 2021: Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa soo saaray jadwalka arrimaha Doorashooyinka Dalka.

June 29 2021: Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa magacaabay Guddiga dib u heshiisiinta Gedo.

July 5 2021: Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu la kulmay Wakiilada Beesha Caalamka oo uu kala hadlay hirgelinta, Amniga Doorashooyinka iyo taageerada laga doonayo.

July 7 2021: Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu socdaal 4 cisho qaatay ku tegay magaalooyinka Kismaayo iyo Garbahaareey, si loo dhammeystiro dib u heshiisiinta Gedo.

July 21 2021: Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ku dhawaaqay xalkii laga gaaray arrinta Gedo.

July 22 2021: Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu la kulmay Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal oo uu kula dardaarmay inay dooraahada u maamulaan si hufan oo ka fog eex.

July 22 2021: Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu isu keenay Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka, si loo xalliyo faraqa u dhexeeya ee doorashada kuraasta Gobollad Waqooyi.

July 25 2021: Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu magacaabay guddiga xaqiijinta qoondada Haweenka 30% ee labada Aqal ee Baarlamaanka.

July 25 2021: Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu habka fogaan arragga kula shiray Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran oo uu ku booriyay inay doorashada dedejiyaan, maadaama la gaaray xilligii lagu balamay in ay bilaabato.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -