Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Daawo Sawirro) Meydadka laba Wiil oo saaka laga helay duleedka Gaalkacyo

Meydadka laba wiil oo dhalinyaro ah ayaa saakay laga helay duleedka koofureed ee magaalada Gaalkacyo, kuwaasoo ka soo jeeday degaanada Puntland.

Taliska booliska gobolka Mudug ee Galmudug ayaa meydadka dhalinyaradaas ku wareejiyey Taliyaha qeybta booliska gobolka Mudug ee Puntland G/Sare Muumin Cabdi Shire, waxaana socda howlgallo lagu baacsanayo raggii fuliyey dilkaas oo ay fuliyeen maleeshiyaad ka soo jeeda Galmudug.

Falkan ayaa dhacay kadib markii xalay Suuqa Gaalkacyo ay ka dhacday israsaaseyn lagu dilay qof shacab ah oo ka soo jeeda Galmudug hase yeeshee Taliyaha booliska gobolka Mudug ee Puntland Muumin Cabdi ayaa saakay sheegay inay soo qabteen ragii xalay qofka shacabka ah ku dilay Suuqa Gaalkacyo, kuwaasoo u baxsaday dhanka waqooyi ee Magaalada.

Dhacdooyinkan ayaa xiisad ka abuuray labada dhinaca ee magaalada oo ay ka kala arrimiyaan maamulada Galmudug iyo Puntland oo horey u gaaray heshiisyo lagu nabadeynayo magaalada Gaalkacyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Marxalada Siyaasadeed ee Soomaaliya : Murugo joogto ah iyo fursado la lumiyo

Cabdi Cade

Kim Jong Un oo amray milatariga Dalkiisa in Diyaar u diyaar garoobaan Hanjabaadna diray

Cabdi Cade

Xassan Shiikh oo shaaciyey arrin ciqaab adag lagu muteysanayo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---