Akhriso War Murtiyeed 10-qodob ka kooban oo kasoo baxay Shirkii Garsoorka Somalia

6-7da Febraayo 2019, Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
waxay magaaladda Muqdisho ku martigalisay shir sanadeedka Garsoorka Soomaaliya
oo ah markii u horaysay ee la qabto ka dib burburkii dawladdii dhexe ee dalka.

Shirka waxa ka soo qaybgalay Garsoorka heer federaal iyo dhammaan dawladaha
xubnaha ka ah federaalka, hay’addaha kale ee dawlada oo marti-sharaf ahaan uga soo
qaybgalay,jaamacaddaha, culimada, bulshada rayidka ah iyo qaybo ka mid ah bulshada
caalamka.

Shirka waxa maalintiisii labaad ka qayb galay Madaxweynaha JFS oo hadal-jeedin
qiimo badan ka jeediyey madasha shirka isla markaana su’aalo Garsoorka iyo
cadaaladda la xidhiidha lagu waydiiyey.

Shirkan oo ah mid qanuuni ah sida ku cad Qodobka 30aad ee Xeerka Nidaamka
Garsoorka 1962, waxa diiradda lagu saaray wax-qabadka garsoorka sanadkii tagay,
caqabadaha ka hor yimid ama hor taagan iyo qorshayaasha mustaqbalka.

Shirka waxa lagu aqoonsaday muhiimada ay leedahay dib-u-yagleelida garsoorkii dalka
oo madax banaan, karti u leh gudashada xilkiisa, xaqiijinna kara dhowridda saraynta
sharciga, isku xukunkiisa iyo ilaalinta xuquuqda aadamaha.

Ka qaybgalayaasha shir-sanadeedka Garsoorka Soomaaliya waxay soo saareen warmurtiyeedkan:

1. Ka qeybgalayaasha shir-sanadeedka Garsoorku waxa ay Maxkamadda
Sare uga mahadceliyeen soo noolaynta sanadka garsoorka iyo hirgalinta
shir sanadeedkii koowaad ee garsoorka.

2. Shirku wuxuu bogaadiyey soona dhoweeyey in uu shirkani sida
qaanuunku qabo noqdo mid joogto ah oo sanad kasta bilawgiisa la qabto.

3. Shirku wuxuu bogaadiyey dib-u-habeynta balaadhan ee ka soo socota
garsoorka, waxaanu soo jeediyey in guud ahaan dalka laga hirgaliyo dibu-habeynta Garsoorka.

4. Shirku wuxuu ku baaqay in dib loo soo celiyo booliiska garsoorka si uu
ugu sahlo fulinta go’aamada iyo xukunnada garsoorka sugana amniga
garsoorka dalka.

5. Shirku wuxuu dhiirigaliyey xoojinta maxkamaaha wareega iyo bixinta
adeeg sharci oo lacag la’aan ah, si ay bulshadu u hesho adeeg.
caddaaladeed oo ay gaadhi karaan.

6. Shirku wuxuu ku baaqay in sida ugu dhaqsaha badan loo soo dhiso
Golaha Adeegga Garsoorka oo muhiimad gaar ah u leh Garsoorka.

3 Shir-sanadeedka Garsoorka Soomaaliya 2019

7. Shirku wuxuu ku baaqay in dib loo dhiso xarumihii maxkamadaha heer
Federaal iyo heer dowlad goboleedba, lana xoojiyo dib u dhiska iyo
dayactirka xabsiyada dalka.

8. Shirku wuxuu soo jeediyay in dib loo yegleelo xafiiska tirakoobka iyo
xog ururninta garsoorka Soomaaliya.

9. Shirku wuxuu taageeray in si dhakhso leh loo dhamaystiro hannaanka
caddaaladda iyo Asluubta Soomaaliya.10.Gunaanad, shir-sanadeedka Garsoorku waxa uu hoosta ka xariiqay
kaalinta garsoorka ee ilaalinta saraynta sharciga iyo dhowrida xuquuqda
aadmaha.

ALLAA MAHAD LEH

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -